Saddex nin oo argagixisanimo looga shakisan yahay oo xabsiga Kamiti ka baxsaday

0
544

Ciidamada waaxda dambi baarista dalka ayaa billaabay inay raadiyaan saddex nin oo lagu tuhmayo argagixisanimo kuwaasoo aroornimadii hore ee shalay ka baxsaday xabsiga wayn ee Kamiti ee magaaalada Nairobi.
Waaxda DCI ayaa magacyada tuhmanayaasha ku kala sheegtay Musharaf Cabdalla, Maxamad Cali Abikar iyo Joseph Juma Odhiambo.
Ilaa iyo hadda ma cadda sida ay shakhsiyaadkan ugu suurtagashay inay ka cararaan goobtaasi oo si wayn loo ilaaliyo.
Lacag dhan 60 milyan oo shilin ayaa loo ballanqaaday in lagu abaal marinayo cidii soo gudbiso xog fududeyn karto in gacanta lagu soo dhigo eedeysanayaasha.
Musharaf Cabdalla ayaa la xiray 30-kii bishii sagalaad ee sanadkii 2012-kii ka dib markii lagu eedeyay inuu ka qayb qaatay iskuday la doonayay in lagu weerarro dhismaha baarlamaanka dalka isagoo sidoo kale lagu soo oogay dacwad ah inuu sitay hub iyo waxyaabaha qarxa.
Maxamad Cali Abikar ayaa isna la qabtay ka dib markii sida ay sheegeen laamaha ammaanka uu ka qayb qaatay weerarkii jaamacadda Garissa ee 2-dii bishii Afaraad ee sanadkii 2015-kii.
Joseph Juma Odhiambo ayaa asna la xiray 20-kii bishii 11-aad ee sanadkii 2019-kii ka dib markii lagu eedeyay inuu isku dayay inuu iska diiwaangeliyo kooxda Al-Shabaab.