Tirada dadka ku dhintay booyad shidaal oo ku qaraxday Sierra Leone oo korortay

0
328

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ku dhintay qaraxii ka dhashay booyad shidaal ee caasimadda dalka Sierra Leone ee Freetown.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay 131 dhimasho ah sida laga soo xigtay maamullada wadankaasi.
63 qof oo kale ayaa weli lagu daweynayaa afar isbitaal oo ku yaalla magaalada .
Ugu yaraan 19 ka mid ah dhaawaca ayay xaaladooda caafimaad aad u liidataa.
Agaasimaha isgaarsiinta ee maamulka qaran ee maareynta musiibooyinka Maxamad Lamrana Bah ayaa faahfaahintan warbaahinta siiyay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in meydad kor u dhaafaya 70 la aqoonsan waayay sida ay u go’goeen awgeed.