Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa la filayaa inuu maanta ka soo hormuuqdo guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan arrimaha tacliinta.
Tani ayaa timid ka dib markii Wilson Sossion oo baarlamaanka si magacaabid ah ku galay uu dalbaday in wasiirka su’aalo la weydiiyo.
Sossion ayaa dowladda ku eedeyay inay iska indha tireyso dhacdooyinka saameynta ku yeeshay howlaha waxbarashada.
Waxaa wasiirka laga doonaya inuu faahfaahin dhameystiran ka bixiyo tallaabooyinka ay dowladda dhexe kula tacaalayso kiisaska kordhay ee lagu gubayo dugsiyada wadanka.
In ka badan 11 ka mid ah dugsiyada dowladda ayaa ilaa iyo hadda la xiray ka dib dhacdooyin gubasho ah oo laga soo tabiyay.