Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo balcad gaaray

0
231

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliy Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu joggaaminayo ayaa saaka waxay safar howleed ku tageen degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Wasiirka Amniga abdullaahi Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiin kale oo dowlada dhexe iyo hirshabeelle ka tirsan, ayaa safar dhinaca dhulka ah uga baxay Magaalada Muqdisho waxayna gaareen degmada Balcad ee gobolka shabeelada dhexe.
Mas’uuliyiintaan ayaa booqashadan ugu kuurgalaya xaaladaha amniga iyo tan nololeed ee degmada Balcad iyo deegaannada ku teedsan iyo halka ay marayaan mashaariicda horumarineed ee halkaas ka socda sida dhismaha waddada laamiga ah ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.