DHAGEYSO:Booliska oo sheegay in madaxweyne Ku xigeenka dalka ay uga digeen inuu booqdo magaalada Kondele ee ismaamulka Kisumu

0
520

Taliska booliska dalka ayaa maanta sheegay in madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto looga digay in uu booqdo Kondele oo ku taala dowlad deegaanka Kisumu halkaas oo kolonyadiisa lagu dhagaxyeeyay.
Afhayeenka booliiska Bruno Shiosho ayaa sheegay in ay hore u hayeen xogo sirdoon oo muujinaysa in Dr Ruto uu dhibaato kala kulmi doono dhalinyarada deegaanka Kondele,ee Kisumu.
Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay dhacdadan balse saraakiisha booliska ayaa maanta sunta dadka ka ilimeysiisa ku kala eryeen dhallinyaro lagu tilmaamay qaswadayaal oo doonayay inay carqaladeeyaan ololaha Ruto ee xaafadda Kondole ee Kisumu.
Waxaa la arkayay dadka deegaanka oo dhagaxaan ku tuuraya kolonyo baabuur ah oo uu la socday madaxweyne ku xigeenka dalka oo doonayay in dadweynaha uu la wadaago qorshihiisa ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha wadanka meel hoose laga soo billaabo iyadoo la taageerayo danyarta iyo ganacsatada yaryar.
Madaxweye ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in qof walba uu xor u yahay inuu booqdo meel kasta oo dalka ka mid ah.
Waxaa uu sheegay in dhallinyarta dhagxaanta kusoo tuurtay kolonyadii uu la socday ay mas’uuliyiin soo kireystaan.
Waxaa toddobaadyadii ugu dambeeyay gudaha wadanka laga dareemayay isku dulqaad la’aan siyaasadeed.

Ku xigeenka madaxweynaha dalka oo isku soo baxyo kala duwan ku qabtay dowlad deegaanka Kisumu ayaa shacabka ku boorriyay inay hoggaamiyaasha siyaasadeed ku doortaan kartidooda.
Waxaa uu ka digay taageero siyaasadeed oo ku saleysan qabiil.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in aan loo baahneyn isbeddel lagu sameeyo dastuurka wadanka u degsan isagoo xusay in hadii sanadka 2022-ka loo doorto madaxweynaha dalka uu diiradda koowaad siin doono xallinta shaqa la’aanta dhallinyarada.