Kenya oo 24-kii saac ee la soo dhaafay laga xaqiijiyay 178 xaaladaha caabuqa corona

0
362

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa diiwangalisay kiisas dhan 178 oo Corona Virus ah ka dib markii baaritaan lagu dsameeyay dad gaaraya 7,021 .
Xaaladaha guud ee caabuqa ayaa tani ka dhigaysa 254,057.
Ma jirto dhimasho la xariirta caabuqa COVID 19 oo maanta dalka laga diiwangaliyay ,dhimashada guud waxay maraysa 5314.
31 bukaan ah ayaa ka soo kabsatay viruska ,bogsashada guud ayaa tani ka dhigtay 247, 489.