Labo sarkaal oo ka tirsan ciidamada qeybta adeegga guud ee dalka loo yaaqanao GSU-da ayaa maanta lagu toogtay israsaaseyn xooggan oo ay la galeen kooxo burcad ah ee deegaanka Laikipia.
Sido kale sarkaal boolis ah ayaa ku dhaawacmay rasaasta dhexmartay laamaha ammaanka iyo burcadda.
Sida ay booliisku sheegeen, ciidamadan ayay burcaddu kaga horyimaadeen meel waxyar u jirta saldhigga booliiska Kamwenje ee galbeedka Laikipia, taasoo keentay in rasaas xooggan ay halkaas ka dhacdo.
Ma cadda in ay jiraan dhimasho dhanka burcadda ah.
Booliska ayaana sheegay in ragga weerarka geystay ay ku hubeysnaayeen qoryo, ayna diyaar u ahaayeen dagaal.
Laamaha ammaanka ayaa hawgalo xoogan ka wada ismaamulka Laikipia ka dib markii kooxaha burcadda ah ay xoojiyeen dhibaatooyiinka ay ka gaysanayaan Laikipia