Dowladda dalka New Zealand ayaa lagu soo warramayaa inay qafiifisay xayiraadaha lagu xakameeynaya faafitaanka caabuqa corona.
Tallaabadan ayaa horseeday inay si buuxda dib ugu furmaan meheradaha ganacsiga ee magaalada ugu wayn wadankaasi ee Auckland.
Waa markii ugu horreysay muddo saddex bilood ah oo si wayn loo dareemayo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee magaaladaasi.
Auckland ayaa xuddun u noqotay faafitaanka cudurka COVID19 ee dalka New Zealand oo ay dowladdu billowday inay si tartiib ah u fasaxdo isku socodka.