Wasiirka wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamad Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa qaabilay xubnaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo magaalada Muqdisho ku jooga booqasho saddex cisho qaadanaysa , isagoo kala hadlay waajibaadka shaqo ee AMISOM oo ku dhow inuu idlaado 31-da bisha 12-aad ee sanadkan, sida ku cad go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2568.
Wasiirka iyo xubnaha golaha oo ka kooban 15 xubnood oo uu hoggaaminayay Danjire Maxamad Cumar Gad oo ka socda dalka Masar ayaa isweydaarsaday aragtiyo ku aaddan caqabadaha amniga iyo nabadda iyo heerka ay gaarsiisan tahay u diyaargarowga ciidamada qaranku u leeyihiin inay la wareegaan mas’uuliyadda amniga Soomaaliya.
Hadal uu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya ka jeediyay kulanka, ayuu sheegay in qorshaha kala guurka ee Soomaaliya aanu caddeynin oo qura sida la doonayo in amniga lagu sugo balse uu si cad u qeexayo howlgalka AMISOM ee diiradda saaraya oo kaliya amniga iyo howlgal cusub oo Midowga Afrika oo awood u leh inuu Soomaaliya ku taageero siyaasadda cusub, maamulka, arrimaha bulshada iyo amniga.
Waxaa uu Wasiirku hoosta ka xariiqay inuusan Qaranka Soomaaliyeed aqbali doono caga- jiid, been abuur iyo dib u dhac caqabad ku ah hirgelinta amni lagu guuleysto.
Wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegay inay Xaqiiqdu tahay inaanu jirin wax la kala dooran karo oo la heli karo haddii aysan oggolaansho ka heysan dalka martida loo yahay, qorshaha kala guurkuna uu ahaanayo mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaliya mana ahan maamulka hadda jira ee xitaa waa maamulka mustaqbalku dalku yeelan doono.
Ugu dambayntii, wuxuu sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay ka mideysan tahay sidii ay u xaqiijin lahayd mas’uuliyadda amnigooda, iyadoo aan loo eegin siyaasadda doorashada iyo wax kaleba, tanina ay ahaanayso mid joogto ah.
Home Wararka Soomaaliya Wasiir Maxamad Cabdirisaaq “Waa in go’aamada AMISOM ay qasab tahay inay ku...