Ururka dhakhaatiirta dalka oo doonaya in la joojiyo go’aan lagu eryayo xubno ka tirsan KEMSA

0
384

Ururka ay ku midaysan yihiin howl wadeennada caafimaadka dalka oo ay ka mid yihiin dhakhaatiirta, kuwa farmashiyeyaasha ka howlgalo iyo saraakiisha ku takhasusay xanuunada ilkaha ee magacooda loo soo gaabiyo KMPDU ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad ay ku doonayaan in la soo saaro amarro lagu hor istaagayo inuu maamulka soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka dalka ee KEMSA shaqada ka joojiyo in ka badan 900 oo ka mid ah howlwadeenada kuwaasoo toddobaadkii hore loo diray ogaysiisyo shaqada looga istaajinaya. KMPDU ayaa dalbatay in sidoo kale maamulka KEMSA laga hor istaago shaqaalaysiinta xubno ka tirsan ciidamada difaaca wadanka ee KDF iyo waaxda qaran ee adeegga dhallinyarada ee NYS kuwaasoo la doonayo inay la wareegaan boosaska ay baneeyeen xubnaha ogaysiiska loo diray.
Iyagoo uu matalayo qareenka lagu magacaabo Henry Kurauka, KMPDU waxay ku doodayaan in tallaabada ay KEMSA shaqada uga cayrinayso xubnahaas iyo qorista shaqaalaha cusub ee ka socda KDF iyo NYS ay ka soo horjeeddo dastuurka dalka u degsan.
Guddiga sare ee KEMSA ayaa toddobaadkii hore faray dhammaan shaqaalaha inay xaafadaha ka soo shaqeeyaan si ay u fududeeyaan waxa ay ku tilmaameen dib u habaynta maamulka ee dadaallada lagu soo afjarayo falalka wax isdabamarinta, waxqabad la’aanta iyo maamul xumada .
Dib u habaynta lagu samaynayo KEMSA oo ay ku jiraan howlgalinta xubno ciidamada ka tirsan ayaa dhalisay falcelin kala duwan iyadoo golaha aqalka sare ay faahfaahin ka dalbadeen wasiirka caafimaadk ee wadanka Mr. Mutahi Kagwe.
Shalay ayay ahayd markii qaar ka mid ah shaqaalaha KEMSA sheegeen in laga xiray nidaamka online-ka oo aysan awoodin inay guryaha ka soo shaqeeyaan ka dib markii la beddelay furaha sirta ah.
Ka dib fadeexaddii hareysay maamulka soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA ee la xiriirtay dhaqaalihii loogu tala galay cudurka COVID19 , ayaa shaqada laga joojiyay madaxii fulinta ee KEMSA Jonah Manjari iyo saraakiishii kale ee ugu sarraysay qaybta wax soo iibsiga iyo maaliyadda si baaritaano loogu sameeyo walow aan wali wax dacwad ah lagu soo oogin.