William Ruto oo maanta socdaal ku tagaya Nyanza

0
303

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa lagu wadaa inuu maanta ololihiisa siyaasadeed ee ku aaddan doorashada guud sanadka 2022-ka uu geeyo gobolka Nyanza.
Waxaa uu ugu horreyn maanta isku soo baxyo siyaasadeed ku qaban doonaa ismaamulka Kisumu ka hor inta uunan u sii gudbin dowlad deegaannada kale ee Migori iyo Homabay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in William Ruto uu dadweynaha la wadaagi doono qorshihiisa ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha wadanka meel hoose laga soo billaabo iyadoo la taageerayo danyarta iyo ganacsatada yaryar.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa la filayaa inuu shacabka kula hadlo suuqa Kondele ee bartamaha Kisumu halkaasi oo uu baabuur xamuul ah ugu deeqi doono dhallinyaro.
Berri oo Arbaco ah waxaa uu William Ruto gaari doonaa ismaamulka Migori ka hor inta uunan khamiista u sii gudbin Homa Bay.
William Ruto ayaa waayihii dambe xoojiyay ololihiisa siyaasadeed.