Fallaagada dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya ayaa beenisay wararka sheegaya inay cadaawad kala dhexeyso shacabka ku nool magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadankaas.
Jabhadda TPLF ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay dagaalka horumar ka samaysay waxayna hadda wararku sheegayaan inay caasimadda Addis Ababa u jiraan masaafo dhan 400 oo kiilomitir.
Afhayeenka TPLF ayaa beeniyay in galitaankooda magaala madaxda Itoobiya uu sababi doono in dhiig badan uu daato.
Waxaa uu intaa ku daray in wararka sheegaya in ujeedkoodu yahay inay caasimadda galaan ay yihiin kuwo lagu qoslo.
kooxda TPLF ayaa muddo sanad ah dagaal kula jirta dowlada Itoobiya ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Abiy Axmad, waxayna isbahaysanayaan Jabhadda kale ee OLA ee Oramada ee dowladda ka soo horjeedda wuxuuna ujeedkoodu yahay in la rido xukuumada Dr. Abiy.
Bishii 11-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii dowladda federaalka Itoobiya ay howlgallo amni oo ka dhan ah xooggaga TPLF ka biloowday gobolka waqooyi ee Tigray.