Maamulka NTSA oo ku dhawaaqay howgallo laga fulinayo waddooyinka waaweyn

0
577

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa ku dhawaaqay in dib loo billaabay howlgallada ka dhanka ah gaadiidka isticmaalaya waddada wayn ee Thika Superhighway si loo hubiyo in wadayaasha gawaaridu ay adeegsanayaan xawaaraha loogu talagalay in baabuurka lagu kaxeeyo.
Isku duwaha howlaha maamulka NTSA ee gobolka bartamaha dalka Kendi Mutuma ayaa sheegtay inay go’aankan qaateen ka dib markii ay ka war heleen inay shilalku ku soo badanayaan waddadan dhowrkii bilood ee la soo dhaafay kuwaasoo ka dhasha xawaaraha dheereeya ee baabuurta .
Waxaa ay arrin naxdin leh ku tilmaantay darawaliinta iska indhatiraya xadka loogu talagalay xawaaraha socodka gaadiidka ee waddooyinka dalka.
Mrs. Mutuma ayaa hoosta ka xariiqday in NTSA ay sameyn doonto howlgallo iyo wacyigalin si loo hubiyo in darawaliintu ku dhaqmaan sharciyada waddooyinka si looga fogaado shilalka dhimashada sababa.
Inta uu howlgalkan socdo waxaa gacanta lagu dhigayaa dhammaan darawallada kaxeeya gaadiidka dadweynaha ee dhaafa xadka xawaaraha habboon.
Waxaa ay xustay inay sidoo kale ka war hayaan tirada kor u sii kacaysa ee carruurta dugsiyada aadaya ee ka gudbaya meelaha waddooyinka aan loogu talagalin in laga gudbo iyadoo tilmaantay inaysan ardaydu khatar ku ahayn naftooda oo keliya balse ay sidoo kale khatar ku yihiin wadeyaasha gaadiidka.
Waxay Mutuma intaasi ku dartay inay NTSA kala shaqayn doonto maamulka qaran ee waddooyinka waaweyn ee KeNHA samaynta biro laga dhiso isgoysyada si carruurta looga ilaaliyo inay waddooyinka waaweyn ka gudbaan.
Sidoo kale waxay tilmaantay in la dejiyay tallaabooyin lagu wacyi galinaya dugsiyada ayadoo la isticmaalayo barnaamijka loogu magac daray VUKA SAFE ee ay micnaheedu tahay si nabad ah waddada ku gudub sidoo kalena ardayda la siiyay jaakado muujinaya inay waddada gooynayaan.