Waxaa lagu wadaa in magaalada Limuru ee ismaamulka Kiambu lagu qabto shirkii saddexaad ee loogu magacdaray Limuru 3 oo ah madal si wAyn loo wada sugaya.
Kulankan ayaa looga gol-leeyahay in lagu soo afjaro jahawareerka siyaasadeed ee gobolka bartamaha dalka ee ku aaddan doorashada guud ee sanadka dambe ee 2022-ka, iyadoo uu qorshuhu yahay inuu qabsoomo 22-ka bisha koobaad ee sanadka danbe.
Afhayeenka dallada Mt .Kenya Forum ahna madaxa xisbiga Narc Kenya Martha Karua ayaa maanta idaacada Capital FM u sheegtay in madasha Limuru 3 ay noqon doonto gabagabada geeddisocod horay uga jiray qaybo kala duwan oo ka mid ah gobolka codbixiyeyaasha ugu badan ee bartamaha dalka.
Shirka Limuru 3 ayaa la sheegay inay isugu imaan doonaan xildhibaanno, guddoomiyayaasha ismaamullada ,senetarrada, xubnaha golayaasha hoose ee dowlad deegaannada,shakhsiyaadka xilal doonka ah ,culimada,ganacsatada iyo aqoonyahaannada deegaanadaas ka soo jeeda kuwaasoo doonaya inay hal cod yeeshaan ka hor doorashada guud ee 2022-ka.
Maadaama uusan ilaa iyo hadda jirin musharrax gaar ah oo gobolka si buuxda taageero uga haysta, dhinacyada kulmaya waxay doonayaan inay danahooda ilaashadaan sidoo kalena ay dajiyaan go’aamo heshiis lagu yahay oo dhanka doorashada ah tan soo socota iyo kadiba.
Iyadoo muddo xileedka madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu ku egyahay bisha siddeedaad ee sanadka soo socdo ayuu gobolka uu ka soo jeedo hadda isku diyaarinaya inuu helo shakhsi ay ku midaysan yihiin taageeradiisa.
Waxay weli su’aal ka taagan tahay in hoggaamiyaha dalka uu kaalin ku leeyahay isku imaatinka madaxda bartamaha wadanka ee ku shiri doono Limuru.
Falanqeeye siyaasadeed oo lagu magacaabo Elias Mutuma ayaa sheegay in shirka Limuru 3 uu aad uga soo daahay xilligii ay ahayd in la kala caddeeyo musharraxa awoodda ku leh Mt. Kenya ee xilka dalka ugu sarreeya u hanqal taagaya gaar ahaan madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Ilaa iyo hadda waxaan caddeyn dhanka siyaasad ahaan uu gobolka bartamuhu raacsan yahay waxayna dhinacyo badan oo hoggaanka gobolka oo ay ganacsatada ka mid yihiin dhawaan kulamo la qaateen madaxda xisbiyada ODM Raila Odinga ,Musalia Mudavadi hoggaamiyaha ANC, Kalonzo Musyoka madaxa Wiper, hoggaamiyaha KANU Gideon Moi iyo dhigiisa FORD -Kenya Moses Wetangula.