Barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay inuu oggolaaday natiijadii shalay ka soo baxday maxkamadda ugu sarreysa wadanka taasoo meesha ka saartay dacwad racfaan ah oo uu gudbiyay.
Sonko ayaa ka soo horjeeday in ku xigeenkiisi Anne Kananu loo dhaariyo xilka guddoomiyaha caasimadda dalka.
Hasa ahaate maxkamadda ayaa laashay dacwadaasi wuxuuna qoraalkiisa ku xusay inuu aqbalay in looga guulaystay loolankii cadaaladeed.
Mike Sonko ayaa dhanka kale dadweynaha ku nool ismaamulka Nairobi uga mahadceliyay fursaddii ay u siiyeen inuu u adeego isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inuu mar kale xil hoggaan qaban doono.
Sonko oo lagu eedeyay maamul xumo ayay wakiillada golaha hoose ee Nairobi xafiiska uga saareen waxaa uuna tan iyo xilligaasi ku howlanaa sidii uu shaqadiisa u sii wadan lahaa balse ugu dambeyn waa uu ku guuldareystay.