1.4 milyan oo ilaa iyo hadda isku diiwaangeliyay doorashada guud

0
270

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa tirada codbixiyeyaasha ee ilaa iyo hadda isku diiwaangeliyay ka qayb qaadashada doorashada guud ee sanadka 2022-ka ku sheegtay keliya 1.4 milyan oo qof.
Waxaa uu bartilmaameedsigu ahaa tiro dhan 6 milyan.
Sida laga soo xigtay guddiga IEBC, kenyaan dhan 352,679 ayaa codsaday in loo beddelo goobihii ay horay uga codeyeen.
Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka Mr.Wafula Chebukati ayaa dhanka kale sheegay in 6-da bisha 12-aad ee sanadkan la billaabi doono diiwaangelinta qurbajoogta kenyaanka ah.