Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay qoraal la faafiyay kaasoo lagu sheegay in maanta ay tahay maalin fasax ah oo shaqooyinka laga nasanaya.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in dowladdu aynan fasax ku dhawaaqin.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu been abuur yahay qoraalka la sheegayo in lagu soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda ee arrinkan ku aaddan.