Wada hadallada nukliyeerka oo dib u furmaya dhammaadka bishan

0
275

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in 29-ka bishan ay dib u billaabi doonto wada hadalladii kala dhexeyay quuwadaha caalamka ee ku saabsanaa barnaamijkeeda hubka nukliyeerka.
Kulanka ayaa la qorsheynayaa uu ka dhaco caasimadda dalka Austria ee Vienna waxaana looga gol-leeyahay in dib loo cusbooneysiiyo heshiisyadii hakadka galay.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iiraan Cali Bagheri Kani ayaa sheegay in taariikhda kulanka la asteeyay ka dib wada hadal dhanka taleefoonka ah uu uu la yeeshay dhexdhexaadiyaha Midowga Yurub u qaabilsan wada hadalladan Enrique Mora.
Waxaa uu mas’uulkan sheegay in kulanka uu furmaya marka Iiraan laga qaado cunaqabateyn ay ku tilmaantay kuwo sharci darro sidoo kalena aan baniaadanimo ku saleysnayan.
2015-kii ayay ahayd markii xukuumadda Tehraan ay heshiis la gashay wadamada ugu awoodda badan caalamka in kastoo waxyaabihii la isku afgartay aynan si buuxda u miro-dhalin.