Dowladda Ingiriiska oo Faransiiska u qabatay 48 saac inuu dib uga laabto aagga kalluumaysiga ee lagu muransan yahay

0
468

Boqortooyada Britain ayaa maanta dowladda Faransiiska u qabatay muddo 48 saacadood oo ay dib uga laabanayso aagga kalluumaysiga ee ay labadan dowladood isku khilaafsan yihiin.
Ingiriiska ayaa sheegay in haddii aynan sidan dhicin uu qaadi doono tallaabo sharciyeed taasoo loo arkayo mid muran dhanka ganacsiga ah oo soo kala dhex galay labadan dowladood ee ugu dhaqaalaha wanaagsan qaaradda Yurub u beddeli karto khatar.
Toddobaadkii hore ayaa waxaa cirka isku shareeray muranka dhanka kalluumaysiga ah ee labadan dal waxayna xukuumadda Paris ku hanjabtay cunaqabatayn laga billaabo 2-da bisha 11-aad oo maanta ah, tani oo carqaladaynayso arrimaha ganacsiga.
Tallaabooyinka ay suuragalka tahay inay qaado Paris waxaa ka mid ah kordhinta baaritaannada xadduudaha, hubinta fayo dhowrka badeecadaha ka yimaada Britain iyo ka mamnuucidda maraakiibta Ingiriiska qaar ka mid ah dekedaha Faransiiska.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain Liz. Truss ayaa warbaahinta Sky News u sheegay inay Faransiisku ka laabtaan hanjabaadahooda haddii kale iyagoo isticmaalaya hababka ganacsiga Midowga Yurub ay tallaabooyin qaadi doonaan dhankooda.
Mar wax laga wadiiyay xilliga ay tahay inuu Faransiisku dib uga laabto aagha kalluumaysiga ee lagu muransan yahay ayuu Truss sheegay inay arrintaan tahay in la xalliyo 48 saac gudahood.
Dowladda Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa tobanaan sano ku muransanaa dhulka kalluumaysiga hodonka ku ah ee ku xeeran xeebaha waqooyi balse khilaafkan cusub ayaa qarxay bishii sagalaad ee sanadkaan markii ay Paris ku eedaysay London inay ku guul dareysatay inay doomaha Faransiiska u qoondayso aag ku filan si ay uga kalluumaystaan aagga gaaraya ilaa 6-12 nautical miles ee xeebaha UK.
Dowladda Britain ayaa dhankeeda sheegtay inay ruqsadaha kalluumaysiga siin karto kaliya maraakiibta caddayn kara inay horay uga kalluumaysan jireen badahooda sababo la xiriira dalabka kalluumaysatada Ingiriiska oo walaac ka qaba inay maraakiibta Faransiisku tirtiraan faa’iidadooda.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa Axaddii uga wada hadlay xiisadda kalluumaysiga kulan ay ku yeesheen magaalada Rome ee dalka Talyaaniga halkaasoo ay ku kulmeen hoggaamiyeyaasha dallada G-20 balse waxay ku guul dareysteen inay wax xal ah ka gaaraan muranka taagan.
Xiriirka u dhexeeya xukuumadaha Paris iyo London ayaa xumaanayay tan iyo markii Britain ay codsatay inay isaga baxdo Midowga Yurub sanadkii 2016-kii.
Murankaan ayaa waxaa suuragal ah inuu sababo in UK laga weeciyo martigalinta kulanka qaramada midoobay ee arrimaha cimillada kadib wada hadallada cimillada ee ka billowday magaalada Glasgow.
In kastoo kalluumaysigu kooban yahay marka la eego dhaqaalaha labadaan dal haddana wuxuu muhiimad weyn u leeyahay bulshooyinka labada dal ee ku nool dhulka xeebaha ah kuwaasoo sheegay inuu kalluumaysiga sharci darrada ah uu khatar ku yahay noloshooda.