In ka badan 100 waddan oo ku heshiiyay badbaadinta keymaha

0
293

Ugu yaraan 100 ka mid ah dowladaha caalamka ayaa ku heshiiyay in laga hor tago dabar gooynta keymaha.
Qorshahan ayaa lagu wadaa inuu dhaqan galo dhammaadka sanadka 2030-ka .
Sidoo kale madaxda ayaa sheegay inay dhaqaale dhan 19 bilyan oo doolar ku maalgelin doonaan ilaalinta iyo dib u soo noleynta keymaha.
Heshiiskan ayaa laga soo saaray shirweynaha ay soo qaban qaabisay qaramada midoobay ee COP26 ee looga hadlaya isbeddelka ku yimaada cimillada kaasoo lagu qabtay magaalada Glasgow ee dalka Scotland.
Waddamada sida wayn u taageeray arrinkan waxaa ka mid ah Brazil, Ruushka, Indonesia iyo jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC oo ay ku yaallaan boqolkiiba 85 ee keymaha adduunka.