Guddoomiyaha Laikipia oo soo dhaweeyay amar ka soo baxay taliyaha guud ee booliska dalka

0
435

Barasaabka ismaamulka Laikipia Ndiritu Muriithi ayaa soo dhaweeyay amarkii abaanduulaha ciidamada booliska wadanka Mr. Hilary Mutyambai ee ahaa in dib loo furo baaritaannada dilkii Agnes Wanjiru ee sanadkii 2012-kii.
28-kii bishii hore ayay ahayd markii dowladda ismaamulka Laikipia ay waaxda dambi baarista ee DCI-da ka dalbatay inay qaaddo tallaabo ay caddaalad ku helayaan xubnaha qoyska Wanjiru.
Guddoomiyaha ismaamulkaasi ayaa xusay inay rajeynayaan in ciidamada booliska ay fahmaan sababta walaac xooggan looga muujinaya dilkii Agnes ee lagu eedeyay sarkaal u dhashay Ingiriiska.
Muriithi ayaa tilmaamay in baaritaannada la soo gabagabeeyay sanado ka hor hasa ahaate aan wax tallaabo ah la qaadin.
Waxaa uu intaasi ku daray in dilkii sagaal sano ka hor ka dhacay magaalada Nanyuki uu abuuray hadal hayn maxalli iyo mid caalami ah labaduba.
Guddoomiyaha Laikipia ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in cid kasta uu sharciga qabto iyadoo aysan eexasho jirin.
Mr. Muriithi ayaa sheegay in mas’uuliyadda aasaasiga ee dowlad kasta ay tahay badbaadinta nolosha muwaadiniinteeda iyo hantidooda.
Waxaa uu xusay in aan qiil lagu difaacayo loo raadin karin dil sarkaal waddan kale u dhashay lagu eedeyay inuu gaystay, cid kasta oo sidaasi damacsanna aynan baniaadannimada tixgelinayn.
Shalay ayay ahayd markii abaanduulaha booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai uu agaasimaha waaxda dambi baarista Mr.George Kinoti ku amray inuu dib u furo galkii baaritaanka ee dilka Agnes Wanjiru oo uu soo dhameystiro caddeymaha loo cuskan karo in kiiskan lagu soo gabagabeeyo maxkamadda.
Mr. Mutyambai ayaa dhanka kale dowladda Ingiriiska ugu baaqay inay hay’adaha dambi baarista ee Kenya kala shaqeyso sidii qoyska ay ka baxday Agnes oo 21 sano jir ahayd ay caddaalad ku heli lahaayeen.
Safaaradda Ingiriiska ee dalka ayaa horay u sheegtay inay si buuxda uga qayb qaadan doonto baaritaannada si haddii sarkaalka lagu caddeeyo inuu dil gaystay looga qaado tallaabo sharciyeed.