Hoggaamiyeyaasha dalladda G20 oo doonayo in la dhimo canshuurta ganacsi

0
367

Madaxda 20-ka waddan ee dhaqaale ahaan ugu wanaagsan caalamka ee ku midoobay dalladda G20 ayaa taageeray qorsho boqolkiiba 15 lagu dhimayo canshuurta laga qaado shirkadaha ganacsiga ee caalamiga ah.
Tani ayaa la filayaa in maanta si rasmi ah loogu ansaxiyo shir xubnaha ururkan ay ku yeelanayaan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay hoggaamiyeyaashu qaateen.
Qoraalka uu Twitter-ka soo dhigay ayuu Biden ku sheegay in G20 ay matasho boqolkiiba 80 ee dhaqaalaha adduunka sidaas awgeedna tallaabada la qaaday ay tahay mid ka wayn heshiis canshuureed.
Waxaa uu ku tilmaamay dibloomaasiyad lagu habeynayo dhaqaalaha caalamka.