131 qof oo u dhashay Itoobiya oo la xiray

0
362

Ciidamada booliska ee degmada Athi River ee ismaamulka Machakos ayaa gacanta ku dhigay 131 qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Itoobiya.
Shakhsiyaadkan ayaa lagu eedeyay inay gudaha Kenya ku joogaan si sharci darro ah.
Wararka ayaa intaa ku Daraya in tuhmanayaasha laga soo saaray guri ay kireysteen oo ku yaalla aagga Sabaki ee Athi River.
Waxaa howlgalka lagu soo qabtay 131 qof xaqiijiyay taliyaha booliska ee magaalada Athi River Anderson Njagi .
Mas’uulkan ayaa sheegay in dhammaan eedeysanayaasha oo rag ah aynan sidan dokumeentiyo caddeynaya inay si sharci ah ku joogaan dalka.
Njagi ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka lagu soo qabtay baabuur ah nooca Toyota land cruiser.
Berri oo Isniin ah ayaa la filayaa in tuhmanayaasha maxkamadda la soo taago si dembi loogu helo ama loogu waayo.