DHAGEYSO:Ismaamulka Wajeer oo lacago ka bixinaya ardayda baranaya macallinimada

0
490

Barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cali Mukhtaar oo ku sugnaa magaalada Buna ee waqooyiga dowlad deegaankaasi ayaa sheegay in berri oo Sabti ah deegaanka hoose ee Korindiille lagu daahfuri doono barnaamij ay ilaa 100 milyan oo shilin ardayda uga bixinayaan qarashaadka waxbarashada.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani looga gol-leeyahay in waalidiinta laga fududeeyo culeyska maadaama xoolaha oo ay dhaqaale ahaan ku tiirsanayeen ay abaartu saameysay.
Guddoomiyaha Wajeer ayaa xusay inay mudnaanta koowaad siinayaan ardayda baranaya culuunta macallinimada si ay mustaqbalka qayb uga noqdaan xal u helidda caqabadaha dhinaca tacliinta ee ismaamulkaasi oo ay macallimiin yaridu ka midka tahay.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay gurmadka uu maamulkiisa u fidinaya dadka ay abaarta sida wayn u saameysay isagoo carrabaabay inaysan wada kaafin karin baahiyaha jira balse ay dadaalayaan inta ay awoodaan

Axmad Cali Mukhtaar, barasaabka Wajeer ayaa ugu dambeyn faahfaahiyay sababta dayactir loogu sameeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Buna oo ka tirsan deegaan baarlamaneedka waqooyiga Wajeer.