DHAGEYSO:Galmudug oo sheegtay inaysan wadahadal la galeyn Ahlusunna

0
506

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmad Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay inay qofkasta oo qayb ka ah wadahadalka iyo jidka nabadda ay doonayaan inay is hor fariistaan si wixii tabasho ah oo jira loo xalliyo balse aysan marnaba aqbalineyn dad sida uu sheegay xoog wax ku doonayo.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay inaysan sidoo kale cidna ka aqbalayn inay hub ku dhex haysato deegaannada maamulka wuxuuna dhanka kale ku baaqay in cidkasta oo hub haysata ay maamulka ka mid noqdaan.

Sidoo kale madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa sheegay inay wixii karaankooda ahaa la gaareen dadkii dagaalada Guriceel ka barakacay ayna wali gurmadkii wadaan isagoo ku baaqay in gurmadka laga qayb qaato.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ugu dambayntii ka hadlay arrimaha amaanka magaalada Guriceel iyo sidii ay bilowdii maamulka degmada uga baxay sidoo kale arrimaha garsoorka ayuu sheegay inay dhammaan deegaanada maamulkaas gaarsiiyeen.