Madaxweynaha dalka oo racfaan ka qaadanaya go’aan ka soo baxay maxkamadda sare

0
321

Ka dib markii toddobaadkii hore maxkamadda sare ee dalka ay soo saartay amar madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta looga dalbanaya inuu muddo 14 cisho gudahood ah ku soo magacaabo 6 garsoorayaal ayuu maxkamadda racfaanka ee dalka ku wargeliyay inuusan go’aankaasi ku qancin.
Waxaa uu gudbiyay dacwad racfaan ah oo uu arrinkan kaga soo horjeedo.
Mr. Kenyatta ayaa weli ku adkeysanaya inay jiraan sababo dastuuri ah oo uu u cuskaday in magacyada 6 xaakin uu ka reebo liis dhan 40 oo loo gudbiyay si uu ugu magacaabo maxkamado kala duwan.
Waxaa uu horay hoggaamiyaha dalka u sheegay in garsoorayaasha kala ah Aggrey Muchelule, George Odunga, Weldon Korir iyo Joel Ngugi ay wajahayaan eedeymo dhanka habdhaqanka ah.
Amarkii Mr. Kenyatta loogu qabtay labo toddobaad ayaa waxaa soo saaray xaakiinnada kala ah William Musyoka, James Wakiaga iyo George Dulu .
Waxay sheegeen in haddii hoggaamiyaha dalka uunan fursaddan ka faa’iidaysan marka ay dhamaato muddada loo qabtay ka dib , xakiinnada loo aqoonsan doono kuwo magacaaban oo ka shaqeyn karo maxkamadda.