IEBC oo aan kordhin doonin muddada diiwaangelinta codbixiyeyaasha

0
270

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC ayaa sheegay in aan la kordhin doonin muddada ay soconaysa diiwaangelinta codbixiyeyaasha cusub oo ku eg 2-da bisha 11-aad ee sanadkan.
Guddoomiyaha IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa go’aankan u aaneeyay dhaqaale yari ay wajahayaan.
Waxaa uu xusay in guddiga la siiyay lacag dhan 1.2 bilyan oo shilin in kastoo uu wasaaradda maaliyadda ka codsaday 4 bilyan.
Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo soo billaabatay 4-tii bishan ayaa lagu bartilmaameedsanayay ilaa 6 milyan oo qof hasa ahaate waxaa weli hooseysa tirada dadweynaha ka qayb qaatay barnaamijkan.