6 qof oo isku qoys ah oo ku dhintay shil ka dhacay Kajiado

0
374

Ciidamada ammaanka ee dalka ayaa xaqiijiyay in shil laga soo tabiyay magaalada Loitokitok ee ismaamulka Kajiado ay ku dhinteen 6 qof oo hal qoys ka soo wada jeeda.
Dadkan ayaa isugu jiro darawal magaciisu lagu sheegay Geoffrey Musyoki Mulili iyo shan qof oo rakaab ahaa.
Wararka ayaa intaa ku daraya in shilku uu dhacay abaare 7.30 fiidnimo ee xalay ka dib markii baabuur yar oo ay dadkan saarnayeen uu waddada ka baxay isagoo ugu dambeyn dhowr mar rogmaday.
Shilka ayaa laga soo tabiyay meel u dhow aagga loo yaqaano Kwa Maji waxaana hadda socdo baaritaano dhacddadaasi ku aaddan.