Eedeysanayaal weeraray baabuurta William Ruto oo xabsiga ku sii jiraya

0
343

Siddeed eedeysanayaal oo loo haysto inay dhawaan dhagaxaan ku weerareen kolonyo baabuur ah oo uu la socday madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto xilli uu gaaray dowlad deegaanka Busia ayaa xabsiga ku sii jiri doono.
Shalay ayay ahayd markii ay tuhmanayaasha ka soo hormuuqdeen maxkamadda ismaamulka Busia.
Maxkamadda ayaa amartay in shakhsiyaadkan ay xabsiga ku jiraan 10 cisho inta laga soo gabagabeynaya baaritaanada ka dhanka ah.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa wacad ku maray in dowladda ay sida ku habboon ula tacaali doonto shakhsiyaadka kiciya rabshadaha siyaasadeed.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in tallaabada laga qaado eedeysanayaasha ay digniin cad u noqon doonto cid kasta oo falkan oo kale damacsan.
Wasiirka ayaa sheegay in dhammaan musharraxiinta ay xor u yihiin inay tagaan deegaanada kala duwan ee dalka oo ay dadka qanciyaan iyagoo ilaalinaya xeerarka dastuuriga ah.
Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaa gudaha wadanka laga dareemayay isku dulqaad la’aan siyaasadeed.
Dhawaan ayay ahayd markii la xiray xildhibaanka bartamaha Kisumu Fred Ouda oo lagu eedeyay inuu rabshad ka abuuray maqaaxi ku taalla ismaamulkaasi.
Bishii sagalaad ee sanadkan ayay ahayd markii musharraxa madaxweynenimo ee xisbiga ODM Jimi Wanjigi lagu weeraray dowlad deegaanka Migori.