DHAGEYSO:William Ruto oo ballanqaaday inuu dhallinyarada u abuuri doono 4 milyan oo fursado shaqo ah

0
325

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in haddii sanadka soo socdo uu ku guulaysto madaxtinimada wadanka , maamulkiisa uu abuuri doono fursado shaqo oo gaaraya 4 milyan si ay da’yarta uga faa’iidaystaan.
Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Makueni, waxaa uu musharraxiinta la tartamaya ka dalbaday inay la yimadaan soo jeedino macquul ah si loola tacaalo shaqo la’aanta haysata dhallinyarada dalka.
Ku xigeenka madaxweynaha Kenya ayaa xusay in da’yarta aynan siyaasiyiinta uga baahneyn lacago laaluush ah oo ay ku qancinayaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in kenyaanka aan noloshooda lagu horumarin karin lacago bil kasta la siiyo balse loo baahan yahay shaqooyin iyo fursado ganacsi oo cid kasta ka dhigaysa mid dhaqaale ahaan isku filan.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa ballanqaaday inuu lacag dhan 100 bilyan u qoondeyn doono awood siinta dhallinyarada iyo taageeridda ganacsiyada yaryar.