Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay inay suurtagal tahay in saraakiil caafimaad oo ay tiradoodu tahay 80,000 ilaa 180,000 ay u dhinteen cudurka COVID19.
Hay’adda ayaa dhimashooyinkan ku tilmaantay khasaare aad u wayn oo soo gaaray bahda caafimaadka.
Waxaa kiisaskan dhimasho la diiwaangeliyay intii u dhexeysay bishii koowaad ee sanadkii hore ilaa bishii shanaad ee sanadkan.
Sidoo kale mudaddan gudaheeda waxaa cudurka COVID19 caalamka ugu dhintay 3.45 milyan oo qof.