Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay inay dardargelinayso barnaamijka tallaalka ka dhanka ah caabuqa corona ee laga fulinayo dowlad deegaanada ay sida ba’an u saameysay abaarta.
Sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda Dr.Patrick Amoth ayaa sheegay inay ka faa’iidaysanayaan hannaanka cunnada loogu qaybinayo dadka tabaleysan iyadoo la kaashanaya hay’adaha aan dowliga ahayn.
Waxaa uu Amoth xusay in kastoo ay abaar dalka ka jirto haddana ay muhiim tahay in tallaalka la siiyo dadka isugu imaanaya goobaha hay’adaha sida WFP, Red Cross iyo AMREF ay ka bixinayaan gargaarka.
Sidoo kale waxaa uu Dr. Amoth sheegay in wasaaradda caafimaadka ay si dhow ula shaqeynayso wasaaradda adeegga dadweynaha , jinsiyadda, waayeellada iyo barnaamijyada gaarka ah ee qaabilsan arrimaha dowlad wadaajinta.
Ismaamullada Turkana, Mandera, Wajeer, Garissa, Tana River iyo Marsabit oo dad ku nool ay u badan yihiin xoolo dhaqato ayay wasaaradda caafimaadka sheegtay in cudurka COVID19 looga tallaalay wax ka yar boqolkiiba hal ee tirada dadweynaha.
Shalay ayay ahayd markii wasaaradda caafimaadka ee dalka ay tirada guud ee dadka ilaa iyo hadda qaatay tallaalka ka dhanka ah corona ku sheegtay 4.6 milyan oo qof.