AMISOM oo sheegtay inay maxkamadeynayso saraakiisheeda Shabeellada Hoose shacabka ku dilay

0
400

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa war kasoo saaray baaritaan ay ku sameeyeen falkii Ciidamo ka tirsan AMISOM ay dadka rayidka ahaa ku dileen degaanka Golweyn oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
War-saxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in guddi xaqiiqo raadin ah oo ay u saareen dilka dadka rayidka ah oo dhacay 10-kii Bishii Siddeedaad ee sanadkaan lagu ogaaday in toddobo qof oo Shacab ah la dilay iyo sida ay u dhaqmeen Ciidankii ku lugta lahaa oo ku ahayd xadgudub xeerarka howlgalka AMISOM.
Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in Guddiga oo ka koobnaa lix qof , oo uu hoggaaminayay wakiil ka socday Xarunta Weyn ee Guddiga Midowga Afrika ee Addis Ababa iyadoo ay xubnaha ka mid ahaayeen wakillo ka kala socdey AMISOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), ay xaqijiyeen, in maalintii dhacdadu dhacday, ay ciidanka AMISOM ay dhab ahaan ku wajaheen dagaalyahannada
Al-Shabaab goobta uu shilku ka dhacay, iyadoo ay xigtay is rasaasayn, islamarkaana Dagaalka ay ku dhinteen hal askari oo AMISOM
ah, mid kalena dhaawac uu soo gaaray.
AMISOM ayaa sheegtay inay qaadanayso mas’uuliyad buuxda ee falkan xun ee ciidankeedu ku kaceen ayna la xisaabtami doontaa ciidankii falkan geystay si loo xaqiijiyo in caddaaladda loo adeego, sida ay ku taliyeen Guddiga Baarista, iyadoo la raacayo hannaanka saxda ah, ayay Dowladda Uganda oo ah Dal ka mid ah kuwa Ciidanku ka joogaan Soomaaliya ayna ka soo jeedaan ciidanka falka geystay, waxay sheegtay inay sameysay Maxkamad Ciidan si loo maxkamadeeyo
ciidanka gefka geystay.
Maxkamadda Ciidanku waxaay ka fariisan doontaa oo ay dacwadda ku oogi doontaa gudaha Soomaaliya ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay AMISOM.
Sidoo kale waxaa AMISOM ay sheegtay in la saadaalinayaa iyadoo la raacayo waajibaadkeeda ku xusan Heshiiskii Isfahamka ee ay la saxiixdeen Midowga Afrika, in Dawladda Uganda ay la xiriiri doonto qoysaska murugaysan si ay ugala hadlaan sidii loo magdhabi lahaa dadkii la dilay. Dhankeeda, AMISOM ayaa dabagal ku samayn doonta arrintan ilaa dhammaadkeeda.
Ugu dambeyn AMISOM ayaa sheegtay si qoto dheer uga go’an tahay nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo ilaalinta dadka deegaanka oo qayb ka ah waajibaadkeeda asaasiga ah, Sidaas awgeedna hoggaanka Hawlgalku uu sii wadi doono inuu hubiyo u hoggaansanaanta adag ee waajibaadkiisa sida waafaqsan Sharciga Bani’aadamnimada Caalamiga ah (IHL), sharciga Xuquuqda Aadanaha iyo Xeerarka Howlgelinta.