Maraykanka iyo Ingiriiska oo cambaareeyay gantaal ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi

0
244

Dowladaha Maraykanka , Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa si kulul u cambaareeyay gantaal ay Talaadadii tijaabisay dowladda Kuuriyada Waqooyi.
Mas’uuliyiin matalaya waddamadan ayaa qaramada midoobay u sheegay in xukuumadda Pyongyang ay sii waddo barnaamijyadeeda dhanka adeegsiga hubka in kastoo ay jiraan xayiraado caalami ah oo la saaray.
Danjirayaasha Maraykanka , Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa tallaabada ay qaaday dowladda Kuuriyada Waqooyi ku tilmaamay daandaansi hor leh.
Waxay hoosta ka xarriiqeen inay soo jeedinayaan in si buuxda loo dhaqangeliyo cunaqabateynta ka dhanka ah Pyongyang.