Ciidamada DANAB oo howlgalo qorshayn fuliyay

0
281

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Kumaandooska DDANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay howlgal qorsheysan ka fuliyeen degaanka Baqdaad oo kuyaal inta u dhaxeeysa degmooyinka Afgooye iyo Balcad ee Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo saldhig weyn ay kulahaayeen dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminayey Abaanduullaha Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB Gaashaanle Aadan Jeelle, waxaana uu sheegay in howlgalka ay ku burburiyeen saldhigii ugu weynaa Al-Shabaab ee degaanka Baqdaad.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in howlgaladaan ay weli sii wadaan kuna raad joogaan Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee isaga baxsaday degaanka Baqdaad ee ay ciidamada xooggu howlgalada ka sameeyeen.
Howlgalkaan Ciidanka DANAB ay ka fuliyeen degaanka Baqdaad ayaa kusoo aadaya xilli Ciidamada Millateriga Soomaaliya qeybta 27aad ay howlgallo ka fuliyeen degaano hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe halkaasoo ay ku sugnaayeen xubno shabaab ka tirsan.