50 isbitaal oo ah heerka saddexaad oo laga dhisaya dalka

0
369

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in guud ahaan wadanka laga dhisi doono isbitaallo cusub oo gaaraya 50 kuwaasoo ah heerka saddexaad ee loo yaqaano Level 3.
Waxaa uu wasaaradda caafimaadka amray in laga billaabo bisha soo socoto ay guda gasho hirgelinta qorshahan.
Shalay ayay ahayd markii uu hoggaamiyaha dalka wasaaradda maaliyadda ku amray inay miisaaniyad dhan 3.2 bilyan oo shilin u qoondeyso dhisidda xarumahan cusub ee caafimaad.
Mashruucan ayaa qayb ka ah qorsho istaraatiiji oo ka kooban ilaa 13 qodob oo ay dowladda dhexe ku xoojinayso horumarinta dhinacyada muhiimka ah.