Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo weli ololihiisa siyaasadeed ka wado gobolka xeebta ayaa ballanqaaday haddii uu sanadka 2022-ka ku guulaysto xilka madaxtinimada wadanka inuu deegaan baarlamaneed kasta ka hirgelin doono sanduuqa horumarinta ganacsatada yaryar.
Waxaa uu raja wanaagsan ka muujiyay inuu noqon doono hoggaamiyaha xiga ee Kenya in kastoo uu tartan kala kulmayo musharraxiin uu ka mid yahay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Xilli uu warbaahinta kula hadlay deegaan baarlamaneedka Jomvu ee ismaamulka Mombasa ayuu Ruto tilmaamay in dib u dhis lagu sameyn doono dhaqaalaha wadanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in qorshihiisa dhaqaale looga gol-leeyahay in lagu garab qabto ganacsatada yaryar si ay horumar dhanka nolosha ah u sameyaan.
Ruto ayaa xusay in la yareyn doono qiimaha canshuurta ee laga qaado ganacsatada sidoo kalena loo fududeyn doono inay helaan maalgelin.
Dhanka kale qaar ka mid ah siyaasiyiinta ismaamulka Murang’a ayaa dalbaday in madaxa xisbiga ODM Raila Odinga uu sanadka 2022-ka ku xigeenkiisa u soo xusho Peter Kenneth oo horay u soo noqday xildhibaanka deegaanka Gatanga.