Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay inuu meel wanaagsan maraya diyaar garowga ku aaddan xuska maalinta qaran ee halyeeyada ee Mashujaa Day.
Dabaaldeggan ayaa sanadkan lagu qaban doonaa ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka.
Dr. Kibicho ayaa dhanka kale waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn loo jeediyay wasaaradda oo ah inay qabanqaabada xuska maalinta qaran ee halyeeyada ay ku gacan bidixeysay dowladda ismaamulka.
Waxaa eedeyntan jeedisay barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru.
Hasa ahaate Dr. Kibicho oo gaashaanka u daruuray ayaa carrabka ku adkeeyay inay khasab tahay in la ilaaliyo hadda ay jaangoysay wasaaradda caafimaadka oo ah 2000 oo qof inay xafladaasi ka qayb galaan si aan la isugu gudbin cudurka COVID19.
Maalinta qaran ee halyeeyada ayaa sanad kasta Kenya looga dabaal degaa 20-ka bisha Tobnaad oo ku beegan Arbacada soo socoto.