Nin burburiyay agab isgaarsiineed oo lagu xiray Murang’a

0
499

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Murang’a ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Lenny Ng’ang’a oo loo haysto inuu burbur u gaystay agabka shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.
Qiimaha agabkan ayaa ah in ka badan 2 milyan oo shilin.
Lenny ayay laamaha ammaanka sheegen inuu iska dhigay injineer matalaya shirkadda oo loo soo diray inuu dayactir sameeyo isagoo xarunta gudaha u galay.
Hasa ahaate ilaaliyihii goobtaasi ayaa ka shakiyay dhaqdhaqaaqa ninkan wuxuuna ku wargeliyay ciidamada booliska in kastoo oo uu baxsaday.
Ciidamada ammaanka ayaa dabagal baabuur uu sitay ugu dambeyna gacanta ku soo dhigay.
Baaritaan dheeraad oo ay boolisku ku sameyeen baabuurkiisa ayaa lagu helay agab isgaarsiineed.
Waxaa lagu wadaa in maxkamadda la soo tago si uu uga jawaabo eedeymo ka dhan ah.