Dowladda Qatar oo sheegtay inaysan waxba ka qaban karin sicirka tamarta caalamka

0
407

Dowlada Qatar oo ah dalka ugu horreeya ee iibiya gaaska dabiiciga ah ayaa u sheegtay macaamiisheeda inaysan awood u lahayn inay dhinto sicirka tamarta ee samadda isku shareeyaya ayadoo dalalka baabuurta iibiya oo Ingiriisku ka mid yahay ay sheegeen inay qasab ku noqon karto inay joojiyaan wax soo saarkooda maadaama uu qiimuhu aad u sii kordhayo.
Dib u soo noqoshada dhaqdhaqaaqyada dhaqaalaha adduunka ka dib fuduudaynta xayiraadihii Coronaha ayaa loo arkayaa inay hadda daaha ka rogtay kaydka gaaska dabiiciga ah iyo Sahayda kale ee shidaalka taasoo dhalisay madmadowga waddamada qaarkood.
Sare u kaca shidaalka ee maanta ayay falanqeeyeyaashu saadaalinayaan inuu qiimuhu kor u sii kici karo.
Wasiirka tamarta ee dalka Qatar Sacad Al- Kaabi ayaa sheegay inay aad uga naxeen caddadka yar ee shidaalka ay siiyeen macaamiishooda aysan ku faraxsanayn inuu qiimaha gaasku kordho.
Adduunka oo dhan, kororkaan ayaa cadaadis ku noqday dowladaha iyo warshadaha wax soo saarka.
Shiinaha oo ah dalka labaad ee dhaqaalaha ugu horreeya caalamka ayaa ku guulaysan isku dayo uu sameeyay.