Barasaabka Makueni oo loo aqoonsaday guddoomiyaha ugu waxqabadka wanaagsan dalka

0
587

Guddoomiyaha ismaamulka Makueni Kivutha Kibwana ayaa loo aqoonsaday inuu yahay barasaabka ugu waxqabadka wanaagsan guud ahaan 47-da dowlad deegaan ee Kenya ka kooban tahay marka la eego dhinaca horumarka halka dhiggiisa ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya loo aqoonsaday inuu yahay guddoomiyaha ugu shacbiyadda badan wadanka
Darasaad cusub oo ay sameysay shirkada ra’yi uruurinta ee Incise Incise Strategists Solutions Africa, ee loo soo gaabiyo (ISS-Africa Kenya) ayaa laga soo saaray warbixin tilmaamaysa in boqolkiiba 80 ay u codeeyeen shacabka ka qayb qaatay daraasaadkan in barasaabka Makueni uu yahay kan ugu wax qabadka wanaagsan dalka.
Waxaa kaalinta labaad soo galay barasaabka ismaamulka Muranga Mwangi wa Iria kaasi oo helay 73.4 boqolkiiba.
Guddoomiyaha ugu waxqabad liita ayaa la sheegay in uu yahay barasaabka ismaamulka Kajiado Joseph ole Lenku.
Ra’yi uruurinta ayaa laga sameeyay dhamaan 47-da Ismaamul ee dalka ka kooban yahay.
Waxaa la sameeyay intii uu dhaxeysay bilihii 7-aad iyo 9-aad ee sanadkan iyada oo ay ka qayb qaateen 1067 ruux.