Maxkamad ku taalla Burkina Faso oo billowday dhageysiga dacwad muddo la sugayay

0
399

Maxkamadda milatariga ee magaalada Ouagadougou ee caasimadda dalka Burkina Faso ayaa shalay billowday dhageysiga dacwadda in muddo ah la sugayay oo lagu soo oogay 14 nin oo ku eedaysan dilka hoggaamiyihii garabka bidix ee Burkina Faso Thomas Sankara 34 sano ka hor.
Waxaa eedeysanayaasha ka mid ah madaxweyne hore.
15-kii bishii Tobnaad ee sanadkii 1987-dii ayay ahayd markii Sankara iyo 12 qof oo kale la toogtay.
Compaore oo ah tuhmanaha ugu muhiimsan ayaa isagoo ay matalayaan qareenadiisa sheegay inuu qaadici doono dhageysiga dacwadda.