Saraakiisha ammaanka ee ismaamulka Nakuru ayaa lagu soo warramayaa inay gacanta ku dhigeen nin ay da’diisu tahay dhexdhexaad oo lagu eedeyay inuu xaaskiisa tooriyeeyay falkaasi oo ay u geeriyootay.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay bariga Nakuru gaar ahaan meel aan sidaasi uga fogeyn dugsiga hoose dhexe ee St Mary.
Wararka ayaa intaa ku daraya in eedeysanaha oo lagu magacaabo Paul Ochieng la qabtay xilli uu doonayay inuu iska tuuro dabaqa afaraad.
Mid ka mid ah goobjoogayaasha dhacdadan ayaa warbaahinta u warramay
Waxaa falkan iyo xarigga tuhmanaha xaqiijisay taliyaha booliska ee deegaanka bariga Nakuru Ellena Kabukuru.
Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Njeri Kamande waxayna da’deedu ahayd 27 sano.
Paul Ochieng ayaa hadda baaritaano lagu sameynayaa ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin si loogu soo oogo dacwad ah inuu dil gaystay sidoo kalena isku dayay inuu naftiisa qaarajiyo.
Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale soo badbaadiyay labo canug oo mataano ah kuwaaso ay da’doodu tahay 5 sano.
Mrs. Ellena Kabukuru ayaa laamaha ku boorrisay inay qaab wada hadal ah ku xalliyaan muranka dhanka qoyska ee ka dhexeya .
Goobta uu dilku ka dhacay ayaa laga soo helay mindi loo adeegsan doono caddeyn ahaan marka eedeysanaha la maxkamadeynaya.
Meydka Njeri Kamande ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka ismaamulka Nakuru.