Raila Odinga oo beeniyay inuu yahay musharrax doonaya inuu tartamo isagoo matalaya madaxweyne Uhuru Kenyatta

0
502

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa beeniyay inuu yahay musharrax doonaya inuu tartamo isagoo matalaya madaxweynaha hadda talada haya Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Mr. Kenyatta uunan weli ku wargelin inuu isaga si gaar ah u taageeraya balse haddii uu garab siinaya uu taasi soo dhaweynaya.
Mr. Odinga ayaa xusay in uunan cidna uga baahneyn inay ku hoggaamiso ololihiisa siyaasadeed ee uu taageerada uga raadsanaya codbixiyayaasha maadaama uu karti u leeyahay inuu sharraxo waxyaabihii u hirgalay iyo qorshihiisa horumarineed ee mustaqbalka.