Madaxweynaha dalka oo ku baaqay iskaashi ku aaddan xallinta caqabadaha caalamka

0
412

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa soo jeediyay in wadamada caalamka ay sameyaan iskaashi dhinacyo badan ah oo lagula tacaalaya caqabadaha dunida ka jiro oo ay ka mid yihiin isbeddelka cimillada , dhibaatooyinka dhaqaale iyo amni darrada.
Hoggaamiyaha dalka ayaa dhanka kale muujiyay sida uunan ugu qancin qaabka loo qaybsanayo daawooyinka tallaalka ee COVID-19 oo uu sheegay in aan laga sinnayn.
Waxaa uu tilmaamay in boqolkiiba 80 ee daawooyinka tallaalka ee COVID19 oo ah ugu yaraan 6 bilyan kuwaaso ilaa iyo hadda la adeegsaday in la siiyay wadamada horumarka ka gaaray dhanka dhaqaalaha.
Mr. Kenyatta ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu ku sugnaa dalka Barbados oo uu kaga qayb galay kal-fadhigga 15-aad ee shirweynaha qaramada midoobay ee ganacsiga iyo horumarka ee (UNCTAD15).