Wadahadalada u dhexeeya dalalka Sacuudiga iyo Iran ayaa la soo sheegayaa in diirada lagu saarayo wax ka qabashada arimo waa weyn oo dowladahaan ka dhexeeya sida uu sheegay wasiirka arimaha dibada boqortooyada Sacuudiga.
Wasiirka arimaha dibada Sacuudiga Faisal bin Farhan ayaa sheegay in wareegii ugu danbeeyay ee wada xaajoodyadu ay dhaceen 21 bishii hore ayna diirada ku saareen walaaca xooggan ee dowlada Sacuudigu ka qabta waxa lopgu yeeray xadgudubyada Iran ee arimaha Nukliyeerka isagoo intaas ku daray in wadahaladu ay wali ku jiraan xaalado sahmin ah si wax looga qabto qodobo ay labada dhinac isku hayaan.
Amiir Faysal oo ka hadlay shir Jaraa’id oo isaga iyo Wakiilka sare ee midowga Yurug ku qabteen magaalada Riyadh ayaa sheegay inay sidoo kale isla soo qaadeen colaadaha dalka Yemen maadaama ay Iran taageerto maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee dalak yemen ka dagaalama sidoo kalena bartilmaameedsada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee xulufada Sacuduiga,Goobo ay rayid ku sugan yihiin iyo xarumaha ilaha wakiilka arimaha dibada ee Midowga Yurub ayaa Xaalada dalka yemen ku tilmaamay Musiibo aad u daran isagoo xusay inay taageerayaan in si nabad ah lagu dhameeyo dagaalada Yemen.
Wakiilka MidowgaYurub ayaa sidoo kale canbaareeyay weerarada ay Xuutiyiintu ka gaystaan dalka Sacuudiga wuxuuna tilmaamay inay ka shaqaynayaan sidii qaab diblomaasiyadeed looga hortagi lahaa.
Josep Borrell wakiilka arimah dibada Midowga Yurub ayaa rajo ka muujiyay in wahadahadalada Nukliyeerka ee u dhexeeya Quwadaha Caalamka iyo dalka Iran ay dib uga bilowdaan magaalada Viena.
Xukuumada Tehran waxaa saaran cadaadis ku aadan inay dib ugu biirto heshiiskii 2015-kii si loo xakameeyao barnaamijyadeeda Nukliyeerka taas badalkeedana la qaado cunaqabataynta mudada dheer Iran saarnayd.
Hieshiiska Nukliyeerka Iran iyo dalalka reer galbeedka ayaa burburay sanadkii 2028-kii kadib markii uu maraykanku isaga baxay