Xubno ka tirsan Xukuumada Pakistan oo musuq lagu eedeeyay

0
323

Xubno can ah oo ka tirsan Xukuumada Ra’isulwasaaraha dalka Pakistan Imran Khan,deeq -bixiyeyaasha xisbigiisa iyo xubnaha qoysaska jeneraallada Milatariga awooda leh ee dalka Pakistan ayaa la ogaaday inay malaayiin Dollar oo hanti ka helaan shirkado hisheeye sida lagu xusay baaritaano cusub oo ay Samaysay dalada caalamiga ah ee Suxufiyiinta baaritaanada (ICIJ).
Ra’isulwasaare Khan oo xukunka qabtay sanadkii 2018 ayaa balan qaaday inuu xirayo siyaasiinta musuqmaasuqa ku lugta leh shaqsi ahaantiisana laguma soo darin dukumiintiyada cusb ee la dusiyay oo loogu magic daray warqadaha Pandora kuwaasoo galinkii danbe ee axada la baahiyay.
Labo xubnood oo ka tirsan Xukuumada Ra’isulwasaare Khan oo kala ah wasiirka Khayraadka Moonis Elahi iyo wasiirka maaliyada Shaukat Tarin ayaa si weyn uga soo dhex muuqday warbixintaan waxaana wehliya in ka badan 700 qof oo kale kuwaasoo ay ka mid yihiin Saraakiil sare oo Milatariga ka mid ah deeq bixiyeyaasha dalka Pakistan iyo hogaamiyeyaasha siyaasadeed ee mucaaradka.
Baaritaanka ICIJ ayaa lagu saleeyay in ka badan 11.9 milyan oo faylal qarsoodi ah kuwaasoo laga soo saaray 14 shirkadood oo adeegyo maaliyadeed oo dhanka beeraha ah fuliyay.
Shaqada shirkadaha asalkeeda mahana sharci daro balse waxaa warbixinta lagu sheegay inaan shancuuro la bixin sidoo kale ay jiraan macaamilo qarsoodi ah.
Ra’isulwasaare Khan ayaa Axadii sheegay inay dowladiisu baari doonto dhamaan muwaadiniinteeda ku xusan waraaqahaan la dusiyay ee Pandora hadii wax khalad ah soo baxana ay talaabo adag oo sharciyadeed qaadi doonto.