Ra’isulwasaaraha cusub ee Japan oo xilka la wareegay

0
409

Ra’isulwasaaraha Cusub ee dalka Japan Fumio Kishida ayaa xafiiskiisa la wareegay si uu u hogaamiyo wadanka Sadexaad ee dhaqaalaha caalamka ugu horeeya sidoo kale la daalaa dhacaya dhibaatooyinka ka dhashay fayraaska Carona.
Kishida oo 64 sano jir ah ayaa todobaadkii hore loo doortay hogaamiyaha xisbiga talada dalka Japan haya ee LDP wuxuuna noqonayaa ra’isulwasaarihii 100-aad ee dalkaasi soo mara.
Doorashada kadib ayuu mr Kishida shaaciyay golihiisa wasiirada cusub kuwaasoo ay ka soo dhex muuqdeen labaatameeyo ka mid ah xulufada ra’isulwasaarihii ee Japan Shinza Abe 13 Xubnood way ku cusub yihiin golaha halka sadex ay dumar yihiin.
Ra’isulwasare Kishida wuxuu hogaanka dalka Japan la wareegayaa ayadoo wadanku si aad ah ula il daran yahay saamaynta Caabuqa Covid 19,dhaqaale fadhiid ah,xiisaha sii kordhaya ee Shiina iyo xaalado kale oo wadankaasi wajahayo.
Kishida ayaaa wasiirka arimaha dibada ahaa sanadihii 2012-kii ilaa 2017-kii ee xukuumadii Shinzo Abe oo ahaa Ra’isulwasaarihii ugu mudada dheeraa ee dalka Japan.
Ra’isulwasaarihii xilka ka dagay Yoshihid Suga ayaa kal hore ku dhawaaqay inuusan inuusan ka qayb gali doonin doorashada hogaanka Xisbigiisa kadib dhibaatooyin dhacay oo loo arkay inay hoos u dhigeen taageerada ay dadweynaha Japan u hayeen maadaama lagu dhaliilay inuusan si adag u xakamayn cudurka Covid 19.
Falanqeeyeyaasha ayaana Ra’isulwasaaraha Cusub u arkaya inuu wax badan ka qaban karo xaaladaha Japan ay wajahayso oo dhaqaalah iyo cudurka Covidku ugu daran yihiin walow aan halyeeya siyaasadeed loo arkayn balse tijaabada ugu weyn ayuu la kulmi doonaa doorashada soo socota oo uu wajihi doono xisbiyo kale oo si weyn xisbigiisa ugu dhaliilay hab maaraynta cudurka Covid 19.
Dhamaan arimahaan ayaa ku soo aadaya ayadoo Ra’isulwasaaraha cusub ee Japan Fumio Kishida uu balanqaaday hanti wadaag cusub oo ay ka mid taahy yaraynta farqiga dakhliga iyo sare u qaadida kharashaadka macaashka isagoona sheegay inay Japaan sanado badan ka jireen siyaadaha dhaqaale oo ku guul daraystay inay hoos u dhacaan kuwa hodanka ah si saboolku ay kor ugu soo kacaan.