Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo shalay gaaray ismaamulka Garissa ee gobolka waqooyi bari ayaa wareysi gaar uu siiyay warbaahinta maxalliga ee radio Kulmiye ayaa wax laga weydiiyay xaaladda abaarta ee ka jirta ee qayb ka mid ah wadanka gaar ahaan dowlad deegannada oomanaha ee loo yaqaano ASALs, wuxuuna ku jawaabay sidatan
Dhallinyarada gobolka waqooyi bari ayaa intaa badan la kulma caqabado gaar ahaan marka ay doonayaa inay qaataan kaarka aqoonsiga qaranka.
Ra’iisul wasaairihii hore ee dalka oo arrinkan wax laga weydiiyay ayaa sheegaya in dhallinyaro badan ay iska diiwangeliyeen hannaanka hay’adda qaxootiga ee UNHCR si ay gargaar u helaan.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dalka uu xuduud la leeyahay waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya islamarkaana ay qaxooti badan dalka soo galeen.
Waxaa uu soo jeediyay in guddoomiye ku xigeennada xaafadaha laga doonaya inay aqoonsadaan dhallinyarta u dhalatay dalka si loogu fududeeyo bixinta kaarka aqoonsiga qaranka ee loo yaqaano ID