DHAGEYSO:Booliska Bungoma oo qabtay 2 eedeysane oo sitay foolasha maroodiga

0
366

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Bungoma ee gobolka galbeedka dalka ayaa galinkii dambe ee shalay gacanta ku dhigay laba eedeysanayaal oo sitay foolasha maroodiga.
Dadkan ayaa loo haystaa inay ku howlan yihiin ganacsiga sharci darrada ee lagu bartilmaameedsado duur joogta.
Taliyaha booliska ee koonfurta Bungoma Benjamin Kimwele ayaa sheegay in foolasha maroodiga ee la qabtay aan wali la ogaan qiimaha ay ku fadhiyaan islamarkaana haatan ay socdaan baaritaan arrinkan ku aadan.
Waxaa uu intaa ku daray in eedeysanayaasha ay sheegeen in foolasha maroodiaga ay kasoo heleen miyiga gaar ahaan meel u dhow buurta Mt. Elgon oo ku taalla xuduudda dalalka Kenya iyo Uganda.
Mr. Benjamin Kimwele ayaa dhanka kale sheegay in hadda ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo lagu hayo eedeysanayaasha si maxkamadda loo soo taago.
Mar uu warbaahinta la hadlay taliyaha booliska ee koonfurta Bungoma ayaa yiri